Donald Trump oo lagu helay dhamaan dacwooyinkii lagu soo oogay

Donald Trump oo lagu helay dacwooyin loo haystay

Donald Trump

Donald TRump oo lagu helay dacwooyin loo haystay. Source: The New York Times

Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii hore ee ugu horeeyay ee Maraykanka oo ay xeergeegto reer New York ah ay ku helaan danbi ah inuu been abuuray dukumiintiyo si uu u qariyo lacag lagu aamusinayay gabar jisha filimada galmoodka ka hor doorashadii 2016.


Kadib markii ay ka doodeen labo maalmood, xeerbeegtada ka kooban 12 qof ayaa ku dhawaaqay inay ku heleen Trump dhamaan 34 danbi oo uu wajahay, xeer beegtada ayaa laga doonayay inay kuligood isku raacaan go'aankasta oo ay gaaraan.


Go'aankan ayaa Maraykanka galinaya meel uusan waligiis gaarin maadaama wadankau doorasho galayo bisha Nofember, taas oo uu Mr Trump yahay musharaxa u taagan xisbiga Jamhuuriga ah isagoo isku dayaya inuu mar kale dib aqalka cad ugala wareego Joe Biden oo Dimqraadi ah.

Mr Trump ayaa sheegay in xukunku yahay mid fuwaaxish ah isagoo ku dooday inuusan wax danbi galin.

"Kani wuxuu ahaa maxkmadayn ceeb ah oo qayaano ah, xukunka saxda ah wuxuu noqonayaa kan Nofember 5 teeda, dadkuna waa ogyihiin waxa halkan ka dhacay. Waxa qalad ah maynaan galin. Waxaan ahayn nin aan wax danbi ah galin laakiin waxaan u dagaalamyaa dalkeena, waxaan u dagaalamayaa dastuurkeena," ayuu yiri Mr Trump go,aanka kadub.

Share
Published 31 May 2024 10:26am
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand